Xiddigaha Tottenham Oo Iska Indha-Tiray Taladii Jose Mourinho Kulankii Ay Guuldaradu Ka Soo Gaadhay Man United.

158

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa qirtay in ay Tottenham iska dhayalsatay kooxdiisii hore ee Man United taas oo keentay guuldaradii soo gaadhay.

Marcus Rashford ayaa dhaliyay 2 gool isaga oo Man United ku hogaamiyay guul ka caawisay in ay gaadho kaalinta 6-aad ee kala saraynta premier League xilli Goolka kaliya uu Tottenham u dhaliyay xiddiga Dele Alli.

Mourinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan isku dayay in aanla dagaalamo maskaxdaas, waxa aan isku dayay in aan u sheego qaabka ay Man United kulamada noocan oo kale ah ku soo gasho, Bilow xoogan, Orod badan iyo cadaadis xoogan”.

“Marka ay United wajahayso kooxaha waaweyn dadka ayaa u maleeya in uu ku adkaan doono kulanku laakiin waxa ay noqdaanba koox raaxo weyn dareenta”.

“Waxa aan ogahayn waxa ay tahay in aan samayno laakiin isla daqiiqadii ugu horaysay ee qaybta hore waxa ay United dhalisay gool waxana ay ku faraxsanaayeen hal dhibic laakiin guud ahaan way u qalmeen Natiijada”.