Dr. Baadiyow:” Saxna maahan in Diinta Islaamka shakhsiyaad gaar ah dadka ka xigsadaan”

461

Dr.Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow oo horey isugu soo sharaxay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan qaar ka tirsan Culumada Soomaaliyeed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dr. Baadiyow ayaa ku taliyey inaysan habooneyn wax fiicana aheyn in la gaaleysiiyo qof muslim ah isla markaasna aysan koox gaar ah is xijin Diinta Islaamka.

” Ma haboona, saxna maahan in Diinta Islaamka oo dadka Soomaaliyeed wada rumeysan yihiin shakhsiyaad gaar ah dadka ka xigsadaan” ayuu yiri .

Dr. Baadiyow ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay la dhibaatoonayaan khilaafyo siyaasadeed lagana fiican yahay in hadda la geliyo mid diimeed.

” Gaaleysiinta qofka Muslimka ah iyo in la baneysto dhiigiisa ma aha mas’uuliyadda shakhsiyaadka, Soomaaliya hadda waxay la rafaneysaa Khilaafyo siyaasadeed waana laga fiican yahay in la buunbuuniyo khilaaf diineed’ Ayuu sii raaciyey.

Dr-ka ayaa ugu baaqay dadka wado gaaleysiinta iyo khilaaf diineedka inay iska joojiyaan oo ay alle uga cabsadaan.

” Waxaan leeyahay dadka arrintaan wado Alle ka cabsada oo joojiya fadinada” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Dr. Baadiyow u magacowday Guddomiyaha Gudiga dib u heshiinta Beelaha Galmuduga.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook: