Chelsea Oo Iska Xaadirisay Wareegga 16-ka Champion-ka +SAWIRRO

291

Chelse ayaa guul ay u mudnaayeen waxa ay ka gareen kooxda Lille oo marti ugu aheyd kulan ka tirsna wareegga ugu dambeeya ee marxaladda Group-yada Champion-ka .

Chelsea ayaa soo bandhigtay ciyaar qurxoon oo ay kalsooni dheereyd , waxa ayna goolasha yimaadeen daqiiqadihii 19-aad iyo 35-aad waxaana kala saxiixay Tammy Abraham iyo Cesar Azpilicuet xilli uu sameeyay Willian kaasi oo kubad wacan soo bandhigay halka goolka Lille uu yimid daqiiqaddii 78-aad

Chelsea cadaadiskii ay ku bilaeen ciyaartaayay ugu dhameeyeen Lille kuwaasi oo maqane jooga ahaa kulankaan

Kooxda reer France waxaa ku adkaa in kubadda ay gaarsiiyaan aagga goosha iyo in ay cagtooda ku daahdo waana midda keentay in laga badiyo

Chelsea cadaadiskooda waxaa laga soo dhisayay qeybta dambe xili guud ahaan dagaalka qadka dhexe iyaga ay ku guuleysteen waxaana goolal dheerada ah ka hor taagnaa goolhayaha Lille .

Guud ahaan maamulka Chelsea ee ciyaarta waxa uu gaaray heer dhan %63 waxa ayna daqiiqadhii 62-aad iyo 72-aad soo giliyeen Michy Batshuayi iyo Callum Hudson-Odoi oo loo badalay Tammy Abraham iyo Christian Pulisic .

Dhamaadkii kooxda reer France waxa ay isku dayayeen in ay kubadda soo garsiiyaan aagga Chelsea illaa ugu dambeyn ay heleen gool qaladkiisa ay lahaayeen dafaca Chelsesa waxaana daqiiqaddii 78-aad ka dhaliyay xiddigoodi hore ee Loic Remy.

Chelsea kama aysan faa`ideysaneyn maamulka kubadda waxa ayna Lille ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah xilli macalin Lampard daqiqidii 82-aad uu saaray Mateo Kovacic isaga oo soo giliyay Mason Mount .

Chelsea dhamaadki fursado ayay iska qasaariyeen , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay gusha ku racday Chelsea kuwaasi oo haatan iska xaadirisay wareegag 16-ka Champion-ka.