Liverpool Oo Guul Dirqi kaga badisay Wolverhampton+SAWIRRO

425

Liverpool ayaa guul ka gaartay kooxda Wolverhampton oo marti u aheyd waxa ayna ku garaacen hal gool oo nadiif ah oo uu dhaliyay Mane dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta .

Sheekadda Labada Qeyb : Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay Wolverhampton hal gool oo nadiif ah xilli wiilasha Klopp ahaayeen dhanka wacnaa qeybtaas hore , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 20-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Liverpool kubadda iyaga ayaa ku badnaa inkastoo fursadaha ay yaaraayeen waxaase jiray dhowr kubad oo u baahnaa in gool loo turjumo oo aan dhicin

Kooxda Wolverhampton waxa ay ciyaareysay kubad daafac waxa ayna ku tiirsanaayeen weerarada rogaal celiska ah .

Guud ahaan kubadda waxa ay ku bandyed cagta Liverpool taasi oo ugu dambeyn keentay gool uu saxiixay Mane ka dib kubad uu garabkiisa ku baasay Lallana iyadoo ka dib markii VAR la eegay la ansixiyay daqiqaddii 42-aad .

Arnold halis ayuu ahaa kulankaan waliba afka hore ayuu gaarayay xilli kubad kalsooni leh uu soo bandhigayay.

Dhamaadkii kooxda martida horay ayay u soo dhaqaaqayeen waliba koornooyin ayay heleen illaa gool ay ku keeneen daqiiqaddii ugu dambeysay ee waqtiga dheeriga balse VAR ayaa diiday offside ahaan waxaana lagu nastay halkaas gool.

Soo laabashadii , Liverpool weerar cadaadis leh ayay ku bilaabeen balse daafac ayaa hor taagnaa xilli kubadda ay gaarsiinayeen goosha kooxda martida ah .

Wolverhampton waxa ay ka sheeganeysay gaabis dhanka weerarka ah waxa ayna tabeysay badel illaa ugu dambyen ay keeneen weeraryahankooda xooggan Adama Traore waxa ayna aheyd daqiiqaddii 58-aad iyadoo ay la soo giliyeen Romain Saiss .

Ka dib badaladaas waxa ay kooxda martida ah bilaabeen in ay kubadda cagtooda ku daahiyeen inkastoo aysan gaarsiineyn aagga goosha Liverpool .

Liveprool si ay kala fur furaan kooxda martida waxa ay daqiiqadii 67-aad saareen Lallana iyaga oo soo giliyay Naby Keita , waxa ayan guud dhamaadka ciyaarta aheyd mid iska deggan

Sidaas oo ay tahay Liverpool dhamaadkii goolal ayay ku dhaawanayeen , waxa ayna ciyarayeen kubad deg degsiimo leh balse meel ay marsiiyaan kubadda ayay waayeen , waxa ayna Wolverhampton daqiiqadii 72-aad soo giliyeen Raul Jimene taasi oo keentay in ay in badan ku soo dhiiradaan afka hore.

Daqiiqadioi 86-aad macalin Klopp waxa uu sameeyay laba badal isaga oo soo giliyay James Milner oo loo saareay Georginio Wijnaldum halka Divock Origi loo saaray Firminho xilli Wolver dhamaadkii iska qasaarinayeen fursado gool loo turjumi karay .

Liverpool daqiiqadihi geerida ee dhamaadkam ciyaarta wax aay galeen daafca xilli kooxda martida ahaayeen weerar , waxa ayan guud ahaan ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay Liverpool guusha ku raacday.