Liverpool Oo kubar baratay Sheffield+SAWIRRO

365

Liverpool ayaa guul laba gool ah ah ka gaartay kooxda Sheffield waxaana gooloasha lahaa Salah iyo mane

Sheekada Labada Qeyb : Liverpool ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Sheffield United hal gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 21-aad ee horyaalka waxa uuna goolkaas yimid daqiiqaddii 4-aad waxaana saxiixay Mohamed Salah

Baas cajiib ah ayuu ka helay Robertson xilli kubadaas laga soo qajafeeyay qeybta dambe ee Liverpool waxaana sidaas sameeyay Van Dijk , waxa ayna ciyaarta aheyd mid hal dhinac ah

Liverpool ciyaar deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen waxaana daqiiqadii 10-aad gool cajiib ah laga bad baadiyay Salah waxaana kooxda Sheffield United ku adkaa in kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Liverpool

Salah oo kulankaan baxsad ahaa ayaa waxa uu mar kale sigay goosha Sheffield United balse daqiiqaddii 29-aad mar kale goolhayaha ayaa ka bad baadiyay , waxa ayna Liverpool ciyaarayeen kubad isku xeran waxa ayna ku guuleysteen dagaalka qadka dhexe

Sheffield United inkstoo kubadda looga badnaa hadana kalsooni ayaa ka muuqatay oo isuma dhiibin heer ciyaareedka wacan ee Liverpool waxa ayna kooxdaas ku qasbanaayeen in badel afka hore ah sameeyaan si kubadda horay ugu soo dhaqaqaaqdo .

Biloowga qeybta labaad , Liverpool iyaga ayaa iska haystay kubadda balse halis gillin muuqata ma jiirn balse guud ahaan waa laga filan karay

Sheffield United waxa ay ka sheeganayeen in kubadda ay cagtooda ku daahiyaan , waxaana lagu keenay gool labaad ka dib baas uu sameeyay Mohamed Salah waxaana daqiiqaddii 65-aad dhaliyay Sadio Mane

Ka dib goolkaas , kooxda martida waa is dhiibeen kubadda waxa aya ka dhammaan weysay cagta Liverpool , ciyaarta da dar iyo deg degsiimo ma laheyn , waxa uuna Klopp badlakiisi ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 78-aad waxaana la soo giliyay Divock Origi oo loo saaray Saido Mane .

Si waliba oo ay ahaato waxa y ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay guusha ku racaday Liverpool waliba ugu sii dhawaatay hanashada horyaalka.