Ilaalada Xarunta Gobolka Banaadir oo dilay Wiil 10 Sano jir ah

727

Ciidamada Ilaalada ka ah xarunta Gobolka Banaadir ayaa banaanka xarunta ku toogtay wiil da’diisa lagu qiyaasay 10 jir, kaas oo ay ku sheegeen in uu ka xaday Moobilka gacanta.

Buuq ka dhashay sida uu u dhacay falkaan xanuunka badan ayaa ka taagan xarunta, waxaana askarta lagu eedeeyay in falkaan laga baaqsan karay oo ugu yaraan wiilka la xiri karay.

Sido kale Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta, kaasi oo amaray in la xiro Askarigii ka dambeeyay Toogashada Askarigaasi.