Sawirro Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay Shaqaalaha Turkida

404

Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari NOAH oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray gaadiid ay la socdeen injineeri iyo shaqaale Turki ah oo marayay Koontaroolka Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye.

Goobjoogayala ayaa ku waramay in qaraxa lala eegtay gaari CabdiI bille iyo gaadiid kale ay la socdeen shaqaalaha turkida, waxaana qaraxa khasaaro kasoo gaaray ciidamada iyo shaqalaha Turkida.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya in gadaiid badan uu bur bur xoogan soo gaaray, walina si rasmi ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo ismiidaamin ah oo lagu weeraro Shaqaale iyo injineero Turki ah oo ku howlan Dhismaha Laamiga Isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.