DAAWO: Somaliland iyo puntland oo isku haysta taariikhda Daraawiish

293

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] oo Garoowe uga Qayb galay Xuska Halgankii Daraawiishta oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa Jawaab siiyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo dhowaan sheegay inay Somaliland leedahay Taariikhda Daraawiishta.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland iyo Madaxwayne ku xigeenka oo Arintaasi ka hadlay ayaa sheegay inaysan Somaliland lahayn Taariikhda Daraawiishta, Islamarkaana aysan jirin meel ay kasoo gasho.

“Waxaanu leenahay iska hadloow ina iggare, Somaliland meelna kama soo gasho Taariikhda daraawiishta, Xitaa magaca way ka cararaan oo ma leh Ciidamo Daraawiish lagu magacaabo”.

Taariikhda Daraawiishta iyo Halgankoodii ayaa sanadkan siwayn loo hadal hayey kadib markii ay soo gaadhay 100-Guuradii kasoo wareegtay markii la duqeeyay magaalada Taleex, waxaana sidoo kale laga xusay magaalada Muqdisho.