Nabdoon Cabdirisaaq Yuusuf Siicow (Shabeel) oo lagu dilay Muqdihso

612

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay Nabadoon caan ahaa loogu geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Barwaaqo oo ka tirsan degmada Daynille ee gobolka Banaadir, iyadoona loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Cabdirisaaq Yuusuf Siicow (Shabeel).

Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysanaa Bistoolado oo watay gaari ay toogasho ku dileen Marxuumka, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dableyda dilka fulisay ay gaari ku hor jareen gaari kale oo uu watay marxumka, kadibna ay ku fureen rasaas ka haleeshay qeybaha sare jirkiisa, islamarkaana uu ku geeriyooday isla goobta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in durbaba raggii ka dambeeyey dilka Nabadoonka oo caanka ahaa Muqdisho ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan Booliska ayaa falka kadib meesha tegay, waxaana xalay illaa saaka howlgallo ay ka wadeen xaafadaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, balse ma jirto illaa cid ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amnigu.

Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.