DAAWO:-Siciidi Deni Oo Qudbad ka jeediyay Shirkii Siyaasiyiinta Kablalax Darood Ee Nairoobi

890

Waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan aan caadi aheyn ku yeeshay ka mid ah madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta mucaarad ah, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni , Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa isku xulafeystay sidii ay uga hortagi lahaayeen damaca ku jiro Dowladda Soomaaliya oo ah inay sameysato waqti kororsi ama inay qabato doorasho shubasho ah.

Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa dhawaan shir ugu soo dhamaaday Magaalada Boosaaso waxay ku diideen dhawr sharci oo uu ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya.

Madax weynaha Puntland ayaa qudbad kaJeediyay Shirkii Siyaasiyiinta Kablalax Darood Ee Nairoobi.