Arsenal Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Burnley +SAWIRRO

145

Kooxda Arsenal ayaa wali sii wada ku dhibaatoonta gaadhista guulaha kadib markii ay bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Burnley kulan ka tirsanaa todobaadkii 25-aad ee premier League.

Gunners ayaan odhan karnaa waxa ay soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu xumaa tan ilaa markii uu Mikel Arteta tababaraha u noqday kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhibaatootay in ay dhaafto kooxda Burnley kuwaas oo si qurux badan u difaacday goolkoooda waliba sameeyay fursado cajiib ah.

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda heshay fursado fiican laakiin aad uga dhibaatootay dhamaystirka Ama in ay kubada shabaqa dhex dhigto goolna u badasho fursadaas.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Arsenal heshay dhawr jeer inkasta oo ayna soo bandhigin qaab ciyaareedkii kulamadii ugu dambeeyay ee aadka u fiicnaa.

Kooxda Burnley ayaa dhankeeda heshay fursado cajiib ah oo ay Arsenal kaga dhalin kareen goolal iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Qaybtii dambe ayay Labada kooxood heleen fursado cajiib ah oo ay ku dhalin kareen goolal laakiin uma aysan suurtagalin in ay shabaqa kubada taabsiiyaan.

Waxa bar-baro gool La’aan ah ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah Arsenal-na mar kale ku fashilantay in ay guul gaadho.

Kadib Bar-Barahaas Mikel Arteta ayaa wali raadinaya guushiisii 2-aad ee horyaalka premier League 6-dii kulan ee uu hogaamiyay isaga oo bar-baro galay 4 kulan, hal kulana guuldaro la kulmay hal kulana badiyay.