Madaxweynihii hore ee Kenya oo geeriyooday

570

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalkaasi.

Moi oo 94 sano jir ahaa ayaa bilihii la soo dhaafay xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay gudaha iyo dibadda Kenya intaba.

Geeridiisa ayaa waxaa saaka aroortii hore warbaahinta u xaqijiiyey madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Arab Moi ayaa muddo dheer soo xukumayey wadaankaasi, waxaana xil ka loo dhaariyey 1978-dii, isagoona ka tegay 2002-dii.
Sidoo kale Moi oo ahaa madaxweynihii labaad ee dalka Kenya ayaa dhashay bishii September ee sanadkii 1924-tii, wuxuuna ka soo jeedaa Qowmiyadda Kalenjinta.

Daniel Arab Moi wuxuu sidoo kale mar soo noqday madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, isagoona xil kaasi qabtay sanadkii 1967-dii.

Geeridiisa ayaa laga dareemay Kenya, waxaana la filayaa inay aaskiisa ka qeyb galaan madax sar sare iyo Kenyaati badan.