Tottenham oo Wakhtiga Geerida Guul Ka Gaartay Aston Villa +SAWIRRO

720

Kooxda Tottenham ayaa guul wakhtiga dhimashada ka gaadhay kooxda Aston Villa iyaga oo haatan hal dhibic u jira kooxda kaalinta 4-aad ee chelsea.

Kooxda Aston Villa ayaa Tottenham ka naxsatay kadib markii ay gool wakhti hore ah heshay iyaga oo uu daqiiqadii 9-aad si khaldan gool isaga dhaliyay daafca Tottenham ee Toby Alderweireld kaas oo Aston Villa u dhiibay hogaan lama filaan ah.

Kooxda Jose Mourinho ayaa bilaabay in ay ciyaarta soo galaan iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo maamulayay ciyaarta kana awood badnaa kooxda Aston Villa.

Laakiin kooxda Aston Villa oo garoonkeeda lagu ciyaarayay ayaa dhankeeda ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku khatar galiyeen kooxda Tottenham.

Kooxda Tottenham ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Toby Alderweireld kaas oo saxay khaladkii uu sameeyay isagana dhaliyay goolkka isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Daqiiqadii 45-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Son Heung-min kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Tottenham ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Tottenham hogaaminayso ciyaarta xilli ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed wareer ah.

Qaybtii dambe ayay Tottenham ku bilaaatay si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn waliba sameeyay fursado cajiib ah.

Laakiin waxa masiibo ku noqday Goolhayihii hor ee kooxda Liverpool ee Pepe Reina kaas oo wax walba u sameeyay sidii uu Tottenham uga hor istaagi lahaa in ay dhaliyaan goolal waliba ku guulaystay in uu joojiyo fursado badan oo goolal loo filanayay.

Daqiiqadii 53-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bjorn Engels kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.

Waxa muujinayay in ay ciyaartu tahay mid wareer ah in ay labada kooxood sameeyeen 42 fursad oo gool cad laga dhalin karo iyaga oo labada kooxoodba sameeyay fursado fiican.

Xilli ay ciyaartu u muuqatay mid bar-baro ku dhamaanaysa ayay Aston Villa samaysay khalad dhimasho ah iyaga oo uu ka faa’iidaystay xiddiga Son Heung-min kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo wareer ah.