Man City Oo garaacday Real Madrid +SAWIRRO

444

Real Madrid iyo Man City ayaa nasinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah waxa ayna wada ciyaarayeen lugta koowaad ee wareegga 16-ka Champion-ka

Real qeybtaas hore iyaga ayaa kubadda haystay balse halis gilin muuqata ma jirirn , waxaana City ku adkaa in kubadda cagtooda ku daahdo

City guud ahaan kubadda waa looga gacan sareeyay sidaas oo ay tahay daqiiqaddii 20-aad gool xaqiiq aha waxaa ka bad baadiyay goolhayaha Real waxaana kubadaas lahaa Jesus

Marka guud ahaan la eego , City waxaa ka maqnaa fikir abuurista weerarka waxa ayna u muuqdeen kuwo taxadar ku jira , waxaana Real daqiiqaddii 30-aad gool xaqiiq laga bad badiyay Benzema waxaana si diriq ah arintaas u sameeyay goolahaya Man City.

Xilli xaaalka sidaas ahaa , City daqiiqaddii 33-aad waxaa dhaawac loo saaray Laporte iyadoo la soo giliyay Fernandinho , waxaana xusid mudan in ciyaartaan aysan laheyn xaraaraddii laga filyay.

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in heerka kubad haysashada Real ee kulankaas ay gaareysay heer dhan %53.

Soo laabashadii , Real iyaga ayaa kubadda ku badnaa balse City waxa ay ku halis gilineysay kooxda boqortooyada kubadaha rogaal celiska ah waliba shabaqa ayay sigayeen xilli daqiiqadihii 56-aad iyo 57-aad goolhayaha Rela uu kubad ka bad baadiyay Riyad Mehraz kubado goolal ahaa.

Xilli City ku badnaayeen fusradaha walibana laga bad baadinayay , waa kan qalad ay galeen daafac City waxaana laga dhaliyay gool uu saxiixay Isco daqiiqadii 60-aad waxaana baaska sameeyay Vinicius Junior , waxaana xusid mudan in waqtigii goolkaas imaanayay in heerka kubad haysashada Real uu ahaa %52

Ciy inkastoo goolkaas looga naxsday hadana wel wel kama muuqan waxa ayna isku dayayeen in ay kubadda la qeybsadaan kooxda Real

City waxa ay u baahnaayeen in Raheem soo giliyaan si kubadda afka hore Real toos u gaarto xilli wiilasha Zidane ay baadi goob ugu jireen gool labaad , waxa uuan Pep ugu dambeyn uu soo giliyay Raheem oo daqiiqadii 73-aad loo saaray Bernardo Silva xilli Real-na soo giliyeen Gareth Bale oo loo badalay Vinicius Junior .

Dadaalkii City ku bixinayeen in afka hore soo gaaraan waxa ay ku keeneen gool uu dhaliyay Jesus ka dib kubad uu ka shaqeeyya Kevin De Bruyn , waxa ayna aheyd daqiiqadii 78-aad, waxaana ansixay VAR ka dib markii Real ku doodeen in wiilka reer Brazil uu riixay Ramos .

Ka dib goolkaas , City dhaq dhaqaaqa waa xoojiyeen waliba garabka middig ilaa ay Real ku qasabeen qalad rigoore keenay waxaana dhaliyay Kevin De Bruyne daqiiqadii 83-aad , waxaana qaladkaas sameeyay Daniel Carvaja iyadoo uu ku galay Raheem .

Ka dib dhacdadaas , Real waxa ay daqiiqadii 84-aad soo giliyeen Lucas Vazquez oo loo saaray Modric , halka Isco-na la saaray waxaana badalkiisa la soo giliyay Jovic balse farxad kuma soo gilin waxaa real kaarak xcas laga saiiyay Ramos daqiiqadii 85-aad ka dib isaga oo dafaca ugu dmabeya ahaa uu carqaladeeyay Jesus .

City dhamaadkii waxaa hor taagnaa goolhayaha Real , waxa ayan ciyaarta ku dhameeyeen 2/1 oo ay ku garaaceen Real.