Sawirro Cidanka dowlada oo sibuuxda ula wareegay Janaale

1056

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxay maanta la wareegeen Deegaanka Janaale Ee Gobolka Sh/Hoose,halkaas oo la sheegay in dagaal uu ka dhacay maanta deegaankaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa duhurnimadii xaqiijiyey in dagaalkaasi uu ahaa mid ay ciidamada kaga xoreenayeen haraadiga Shabaab ee meesha kusugnaa.

Taliyaha ciidamada Lugta Soomaaliya General C/xamiid Maxamed Dirir ayaa waxa uu horkacayey dagaalkaasi ciidamadana dhiiri gelin ayuu usameenayey.

Taliye Dirir ayaa sheegay inay ciidanka sii aadi doonaan deegaanada kale Ee Shabaab ka joogaan Gobolka Sh/Hoose.