Daawo:- Muuse Biixi oo kaqayliyay Dilalkii ka dhacay Laascaanod

623

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ka hadlay Dilal Qorshaysan oo ka dhacay magaalada Laascaanood , Wuxuuna Fariin u diray Ciidamada.

“Xalay waxaa la dilay taliyihii nabad-sugidda ee Laascaanood bil meelahaas ka horna waxaa la dilay xaakimkii, cadowgu wuu ku soo dhiiranayaa marka la dilo xaakimkii iyo sahankii, waa cadow innagu soo maqan, waxaynu arkaynaa dhibaatadan cudurka oo jirta in cadowgeeniina uu weerar innagu soo qaaday, kuwaas ka jawaabiddoodana diyaar baan u Noqonaynaa”

“Cadowgu marba meel ayuu kaasoo gelayaa, Wuxuu kugu dilaa gaadmo iyo dhuumasho oo ka xun dagaalka tooska ah, waana dagaal inagu soo kordhay haloo diyaar garoobo, waxaa la tooganayaa Haldoor, oo Haldoorku waa ninka uu cadowgu ka baqo, Ciidamada waxaa ku waajibay inay Feejignaadaan”. Ayuu yidhi Biixi

Hadlka Muuse Biixi ayaa kusoo adayaa iyadoo xalay magaalada Laascaanod lagu dilay Taliyihii Ciidamada Sirdoonka maamulka Somaliland ugu magacownaa gobolka Sool, Islamarkaana horay Qarax gaadhigiisa loogu xidhay loogu dilay Gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool.