Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mesut Ozil

918

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aansatay in ayna heshiis cusub ka saxiixan xiddiga diyaarna u tahay in uu si xor ah uga tago kooxda dhamaadka heshiiskiisa inkasta oo uu 350 kun oo Gini mushahar ahaan u qaato todobaadkii.

Sabab la xidhiidha in ay kooxdu muhiimada siinayso 3 xiddig Ayuu shaki weyn ugu jiraa mustaqbalka Ozil inkasta oo uu doonayo in uu sii joogo kooxda.

Ozil ayaa qaab ciyaareed Liita soo bandhigay markii uu Unai Emery joogay kooxda laakiin waxa uu qaab fiican soo bandhigay intii uu Mikel Arteta yimid kooxda.

Laakiin inkasta oo uu galayo 12-kii sano ee ugu dambeeyay ee heshiiskiisa haatan hadana Kooxda ayaan qorshaynayn in ay heshiis cusub u soo bandhigto sida uu sheegayo wargayska The Sun.

Ozil ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda waxana uu todobaadkii u xaadiraa lacag dhan 350 kun oo Gini todobaadkii waxana uu kooda ku hayaa dhibaato ah in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddigaha kale ee ugu muhiimsan kooxda.

Sidaas kooxda ayaa go’aan gaadhay waxaa ay diyaar u yihiin in uu Ozil si xor ah uga tago kooxda xagaaga dambe.

Sababta ayaa ah in ay kooxda Arsenal muhiimada siinayso in ay heshiis cusub ka saxiixato 3-da xiddiga ee kala ah Bukayo Saka & Reiss Nelson.

Dhamaan 3-da xiddig ee Bukayo Saka & Reiss Nelson ayuu heshiiskoodu dhici doonaa xagaaga 2021 waxana ay kooxdu u aragtaa kuwo mustaqbal ku leh kooxda.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN