Hoteellada xeebta Liida oo la amray in gabi ahaanba la xiro +SAWIRRO

652

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa guddooomiyey shirka todobaadlaha ah ee maamullada degmooyinka, kaas oo diirada lagu saaray ka hortagga iyo xakameynta cudura sida fudud ku faafa ee loo yaqaano Coronavirus.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka soo baxay go’aano laguLa dagaalamayo fidista cudurkaasi oo fara ba’an ku haya caalamka oo AY Soomaaliya qeyb ka tahay.

Gudoomiye Cumar Filish ayaa ku amray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha amniga in la joojiyo dhammaan isu-imaatinada dadweynaha, gaar ahaan hoteellada iyo maqaayadaha lagu kulmo ee ku yaalla xeebta liido.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah, si looga fogaado faafitaanka cudurka Coronavirus.

Caabuqa Corona oo markii hore ka soo bilowday Shiinaha ayaa ku fiday caalamka, waxaana dowladda federaaka ay xaqiijiyeen illaa saddex kiis oo la xariira cudurkaasi.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo kaashanayesa hay’adaha kale ee dowladda ayaa haatan wada qorshayaal guud oo looga hotago faafista cudurkaasi dilaaga ah.