Xaaf oo caawa xilka ku wareejiyay Qoor Qoor +SAWIRRO

670

Mdaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa caawa xilka madaxtinimada maamulka Galmudug ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Md. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor .

Xil wareejinta ayaa timid ka dib Munaasabad dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa goobta ay ka dhaceysay Xafladda ka sheegay in uu tanaasulay islamarkaana uu la shaqeyn doono Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Madaxweyne Xaaf uga mahadceliyay sida uu maamulka ugu soo adeegay.