Abwaan Baashi Macalin Maxamuud oo lagu dilay Muqdisho

792

Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobollada Qaranka, gaar ahaan kooxda ciidamada Booliska ee Heegan ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho

Koox Bastoolado ku hubeysnaa ayaa shalay galab weerar gaadmo ah ku dilay ALLAHA u naxariistee Abwaan Baashi Macalin Maxamuud oo ka mid ahaa kooxda Heegan ee ciidamada Booliska, iyadoo dilka uu ka dhacay xaafadda Arjentin, degmada Kaaraan.

Goob joogayaal ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in abwaanka lagu toogtay agagaarka Gurigiisa, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilkiisa geysatay, waxaana markii dambe goobta tegay ciidamada Amniga.

War ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu faah faahiyey dil shalay gelinkii dambe xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan loogu geystay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud, oo sidoo kale ka tirsanaa kooxda Heegan ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Qoraalka taliska ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo uu muddo la shaqeynayey, sida lagu sheegay warbixinta.

Sidoo kale warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in Abwaan Baashi uu ahaan nin ay ku weyneyd dowladnimada iyo u adeegida Ummadda Soomaaliyeed.