Banaan bax rabshado watay oo caawa ka dhacay Muqdisho

527

Dadweyne carreysan ayaa caawa isugu soo baxay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kadib markii qof shacab ah loo dilay inuu jebiyey bandowga saaran magaalada Muqdisho dartiis.

Dilkan ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, kaasi oo sidoo kalena dhaawacay qof kale oo rayid ah, sida ay goobjoogeyaal ay sheegeen.

Qofka la dilay ayaa ahaa wiil dhallinyaro, waxaana dilkiisa ka dhashay banaanbax ay dadweyne carreysan taayaro ku gubaan inta dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo dugsiga Bartamaha, oo u dhow halka uu dilka ka dhacay.

Askariga dilka geystay oo ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa ku sugnaa oo uu kasoo tegay barta koontaroolka ee Ciidamada Booliska ku hubiyaan gaadiidka.

Wiilka la dilay iyo gabadha dhaawaca ah ayaa la sheegay inay fadhiyeen banaanka guri ku yaalla agagaarka wasaaradda boostada, waxaana dilka uu yimid kadib markii ay diideen amar uu bixiyey askariga dilka gaystay oo ahaa inay guriga galaan.

Ka hor dilka ayaa la sheegay inay hadallo is-weydaarsadeen askariga iyo labada qof ee shacabka ah, mana cadda waxay ahaayeen hadalladaas.

Wiilkan dhallinyarada ahaa ayaa noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee loo dilo bandowga ay dowladda kusoo rogtay caasimadda, ee la sheegay in ujeedkiisu yahay yareynta faafitaanka cudurka Coronavirus.

Bandowga Muqdisho ayaa laga billaabo maalinta koowaad ee bisha Ramadan wuxuu billaabanayaa 7-da habeennimo, waxaana shacabka qaar ay walaac ka muujiyeen inay mararka qaar adag tahay in dadka oo idil ay xilligaas ku sugnaadaan guryaha maadaama ay jiraan dad kasoo afura xaafado kale, oo aan awoodin afurka.