Kooxda Uu Willian Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday

593

Mustaqbalka xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian ayaa ah mid aan sal ku fadhiyin sabab la xidhiidha in ay doonayaan kooxo badan maadama uu heshiiskiisa chelsea dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Brazil ee Willian ayaa noqon doona xiddig xor ah xagaaga marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda cheslea isaga oo uga tagi kara kooxda si xor ah.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayay bilihii ugu dambeeyay kooxaha Man United, Arsenal, Liverpool, Barcelona, Juventus iyo kooxo kale oo waaweyn oo reer yurub ah.

Laakiin Wargayska ESPN ayaa sheegaya in uu Willian doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda chelsea.

Sababta uu Willian u doortay Arsenal ayaa ah in uu doonayo ka garab ciyaaro xiddiga ay isku xulka yihiin ee David Luiz kaas oo uu xitaa kaga soo garab ciyaaray kooxda chelsea.