Axmed Shide Oo Xil Sare Looga Magacaabayo Itoobiya

714

Wasiirka maaliyada dawlada Itoobiya Axmed Shide ayaa la filayaa in xil cusub loo magacabo.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shide dhawaan loo Magacaabi doono Raysal Wasaare ku Xigeenka dalka Itoobiya ahna ku Xigeenka Xisbiga talada haya oo awood sarre ku yeelan doona dalkaasi.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Dawlada Itoobiya ahna Guddoomiyaha Xisbiga barwaaqada Dawlad Deegaanka Dr. Ahmed Shide Mahamed oo awood sarre ku leh Xisbiga PP, ayaa dhawaan si rasmi ah loogu Magacaabi doonaa Raysal Wasaare ku xigeenka isaga oo noqon doona ku xigeenka xisbiga PP.

Xilkan cusub ayaa Axmed Shide ka dhigaya ninka 2aad ee Ethiopia ugu awooda badan xisbiga talada haya ee Dawlada Itoobiya,waana Siyaasigii ugu horeeyay ee Soomaaliya ee Darajadaas sarre ka gaadha dhanka siyaasada dalka Itoobiya.

sidoo kale waxa uu noqon doonaa Ahmed Shide Wasiirka Maaliyada ahna raisal Wasaare ku xigeenka.