Puntland oo beenisay in DF deeq geeysey Garoowe+Video

464

Puntland ayaa beenisay sheegashada dowladda federaalka ee ah in saddex diyaaradood oo agab aan cunto ahayn Jimcihii ka dejisey magaalada Garowe ay soo dirtay xukuumadda federaalka.

Sheegashadan ayaa waxaa sameeyey wafdi ka tirsan dowladda oo uu hogaaminayey wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayagoo la socday diyaarada.

Wafdigan oo sidoo kale ay ku jireen xildhibaano iyo Wasiir ku xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegtay in ay Puntland keeneen saddexd diyaaradood oo ka yimid dowladda oo sida agab isugu jira bacaha roobka, teendhooyin, kadiifado iyo maacuun, kuwaas loogu talagay dadkii ku barakacay daadadkii ku soo rogmay magaalada Qardho.

Hase yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in agabkaas uu ka yimid Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee loosoo gaabiyo UNHCR, uuna la yaabay sheegashada dowladda.

Diyaaradaha sidday agabka ayaa ka yimid magaala madaxda waddanka ee Muqdisho, halkaas oo laga soo daabulay alaabta muhiimka ah, hase yeeshee ma ahayn agab ay bixisay dowladda dhexe.

“Waxaa isoo gaaraya macluumaad sheegaya in mas’uuliyiin reer Puntland ku meleta dowladda dhexe oo maanta [Jimcadii, 1-da May, 2020] u yimid in dadkooda dhibaatadu gaadhay ay soo booqdaan in ay sheeganayeen in [alaabta] ay ka timid dowladda federaalka ah; sidaas maahan alaabtaas waxay ka timid Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay baa lahayd,” ayuu yiri.

Sheegashada mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ayaa lagu tilmaamay “sumcad ku raadin iyo olole siyaasadeed.”

Villa Soomaaliya ayaa gurmadka loo fidinayo shacabka ku ceyrtoobay fatahaadaha Qardho ku taakuleysay hal milyan oo Doolar.