DF oo tiri “Ma yaqaanaan cidda dileysa Wariyayaasha”

374

Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay eedeymaha isugu jira carigga, caburinta, caga jugleynta, is-hor taaga shaqada iyo kuwo kale oo uga imaanaya Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay eedaymaha qaar ee dowladda uga imaanaya Saxaafadda ay ula muuqdaan kuwo laga badbadiyey, kadib baaritaan ay sheegtay wasaaraddu inay sameysay.

“Xuskii shalay ee 3-dii May, kulamo ay yeesheen qaar ka mid ah ururada Suxufiyiinta waxay eed inteeda badan aanay waxba ka jirin u soo jeediyeen Dawladda Soomaaliya oo siyaasad ahaan iyo shuruuc ahaan u taagan ilaalinta xornimada Saxaafadda, Xoriyatul qawlka iyo u sahlida Suxufiyiinta xogta Dawladda”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Eedeymaha ay qoonsatay dowladdu ee ka yimid ururada Saxaafadda waxaa ka mid ah. In sanadkii tagay ee 2019-kii uu weriyaasha Soomaaliyeed u ahaa sanad u xun, waxaana lagu sheegay qoraalka in aysan sameyn wax is barbardhig ah.

“Waxay sheegeen in loo diiday in ay helaan xogta ay u baahan yihiin iyagoo tusaale usoo qaatay xilligan uu jiro cudurka COVID-19 in aanay dowladdu siinin xogtii ay u baahnaayeen, hase yeeshee la ogyahay in maalin kasta 5-ta Galabnimo ay mas’uuliyiinta sar-sare ee dowladdu qabtaan shir jaraa’id oo u fasaxan in Suxufi kastaa yimaado, su’aashu uu qabano weydiiyo masuuliyiinta.

“Dowlad ahaan waxaanu aaminsan nahay in xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyo kortay in ay jirtay Dawladda Nabad iyo Nolol marka la barbardhigo sanadihii ka horeeyey”ayaa lagu yiri qoraalka.

Halkan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka

Jawaab-Eedeyn