Real Madrid Oo kutumatay Valenica +Sawirro

404

Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay Valencia oo ay kaga talaabsadeen sedex gool oo nadiif ah

Sheekada Labada Qeyb: Real Madrid iyo Valencia ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 29-aad ee La Ligaha

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar deg degsiimo leh xilli Valenica daqiiqaddii 13-aad ku sigteen gool ay ka dhaliyaan Real balse birta bidix ayay ku dhacday .

Real inkastoo mararka qaar kubadda ku badnaayeen hadana waxaa ku adkeyd in si sax ah u tagaan goosha Valencia xilli daafac ahaanna la hor taagnaa .

Valencia gool ayay kaga naxsadeen daqiiqaddii 20-aad balse markii dib loogu laabtay VAR waa la diiday sababo offside la xariira

Ka dib dhacadaas , Real isku dayo ayay abuurayeen waliba daqiqaddii 28-aad gool xaqiiq ahaa waxaa ka bad baadiyay goolhayaha Valencia

Valencia waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah xili Real dhamaadkii dhowr fursad ay abuureen , waxaana kaliya maqnaa mskaxdii natiijo loogu badalli lahaa .

Soo laabashadii Real iyaga ayaa ku badnaa kubadda balse halis gilin muuqata ma jirrin waxaana ku adkaa in daafaca Valencia kubadda gadaal marsiiyaan.

Qeybta labaad , Real kubadda waa dadajinayen waliba fursado ayay abuurayeen illaa ay keeneen goolka koowaad daqiiqaddii 61-aad waxaana saxiixay Karim Benzema

Valencia , ka dib goolka dib ayay u gurteen iyaga ayuuna weerarka saarnaa xilli Zidane badalkiisa ugu horeeyay uu sameeyay daqiiqaddii 74-aad isaga oo soo giliyay Marco Asensio oo loo saaray Valverde.

Balse badal barakeysan ayuu ahaa maxa yeelay Asensio taabashadiisa ugu horeeay gool ayuu ku dhaliyay ka dib baas uu ka helay Ferland Mendy waxa ayna aheyd daqiiqadii isla daqiiqaidi 74-aad

Real Madrid %59 iyaga ayaa kubadda haystay waana laga filan karay goolal dheeraad ah xilli waliba ay sigayeen , waxa uuna tababare Zidane daqiiqadii 82-aad soo giliyay Vinicius Junior oo loo saaray Hazard .

Real oo aad u waceyd qeybtaas labaad waxa ay dhaliyeen gool sedexaad oo aad u cajiib ah waxaana dhaliyay Benzema daqiiqaddii 87-aad , waxaana Valecia daqiiqadii 89-aad karka cas ka qaatay Kang-In Lee waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay sedexdaas gool ee ay Real ku badiyeen.