Liverpool Oo 30 Sano kadib ku guulaystay Horyaalka Premier League +SAWIRRO

86

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u noqotay Kooxda ku guulaystay Horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2019/2020 kadib markii ay Man City guuldaro kala kulantay kooxda chelsea.

Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn kaga dhabaysay hadalkoodii sanado badan ahaa “Sanadkan waa sanadkeenii” Si Rasmi ahna ugu guulaystay horyalka premier Leaguu.

Liverpool ayaa ku guulaystay horyaalka kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay dhamaan ka wada fiicnayd kooxaha 19-ka ah ee ka ciyaara horyaalka Premier League.

Reds ayaa haatan 23 dhibcood oo buuxa ka horaysa kooxda Man City iyada oo 6 kulan ka hadheen dhamaadka xilli ciyaareedka 2019/2020

Liverpool ayaa u dabaal dagaysa horyaalkeedii ugu horeeyay muddo 30 sano ah kadib markii ay horyaalka ku guulaystay markii ugu dambaysay 1991-kii.