DAAWO: Juxa “Waa in aan banaanka ka istaagnaa Soomaaliya Puntland ahaan”

390

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaalita Cabdi Faarax Juxa ayaa isagoo ka hadlayay madashii PDRC ee magaalada Garoowe, kulan dhawaan lagu qabtay oo looga hadlayay arrimaha siyaasadda & Doorashooyinka Federaalka ee Puntland kuna wajahan dawladda Faderaalka ayaa soo jeediyey aragti siyaasadeed oo ku aadan in laga madax-banaanado arrimaha Federaalka.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Federaalka soona noqday Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sheegay in ay Puntland mudo dheer raadinaysay dawladnimada Soomaaliya, balse ay taasi waxba ka socon waayeen oo la gaari waayay dhammaan hadafyada muhiimka ahaa.

“Waa in aan si cad banaanka uga istaagnaa Soomaaliya, Beeluhu xubnahooda ha u dirsadaan sida Somaliland” ayuu yiri Juxa oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garoowe ayna ka qeybgaleen dad kooban oo ahaa xubno lasoo xulay.

Juxa, ayaa cadeeyey in ay Soomaaliya ku socoto dhabo siyaasadeed oo aysan jecleysan Puntland, wuxuuna sheegay in ay tahay in la qaato go`aan adag oo siyaasadeed, kaas oo noqon kara dhabaha rasmiga ah ee ugu adag oo ay istaagaan, taasna ay tahay waxa looga gudbi karro marxaladaha hadda taagan.