Arsenal Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Wolves +SAWIRRO

207

Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Wolves oo dhankooda ahaa kuwo madax adag , waxa ayna uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah

Sheekada labada qeyb : qeybtii hore Arsenal iyaga ayaa wacnaa inkastoo fusradaha ay yaraayeen hadana kubad deg degsiimo leh ayay soo bandhigeen.

Fursaddii ugu horeysay ee xaqiiq ah waxaa Arsenal laga bad baadiyay daqiiqadii 25-aad xilli daqiiqaddii 34-aad uu goolhayaha Wolves u diiday gool xaqiiq ahaa Arsenal daafac ahaan waa ay wacaanayeen xilli Wolves dhankooda ahaayeen geesiyaal ku dhiiranayay in ay tagaan aagga goosha Arsenal .

Xilli Arsenal kubadda ku badnaayeen , waxa ay gool heleen daqiiqaddii 43-aad waxaana si cajiib ah u dhaliyay Bukayo Saka, goolkaas ayaana nasiinada lagu aaday.

Qeybta labaad , Arsenal qaabkii hore ma aheyn kaliyana kubadaha rogaal celiska ah ayay ku tiirsanaayeen xilli Wolves ay dhaq dhaqaaq wacneyd

Arsenal , sidii qeybta hore uma soo dhaqaaqeen afka hore waxa ayna kaliya diiradad saarayeen daafaca xilli Wolves daqiiqaddii 63-aad ku sigteen goolka bar bar dhaca balse Adama Traore ayaa qasaariyay xilli isaga iyo goolhayaha Arsenal uun ahaayeen.
Badalkii ugu horeeyay Arsenal waxa uu yimid daqiiqadii 57-aad xilligaas oo ay soo giliyeen Maitlabnd-Niles oo loo saaray Tierney balse is badal ma jirrin oo Wolves qeybtaas labaad tooda ayay aheyd

Arteta , si kubadda horay loogu dhaqaajiyo waxa uu daqiiqadii 76-aad uu soo giliyay Willock iyo Bellerin oo loo saaray Saka iyo Soares.

Ka dib , daqiiqadadii 83-aad waxa uu soo giliyay Lacazette iyo Torreira oo loo saaray Nketiah iyo Ceballos waxa ayna bilabene in kubadda hoiray u jiidana illaa ay keeneen gool labaad waxaana daqiiqadii 83-aad dhaliiyay Alexandre Lacazette
Ka dib , dhacdadaas , Arsenal gool sedexaad ayay ku sigayeen Wolves balse ma dhicin waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay Arsenal ku badiyeen.