Leicester City Oo Bar-bar Dhac La Soo Gashay Arsenal +SAWIRRO

156

Leicester City ayaa bar bar dhac waqtigii dhamaadka ku qabatay Arsenal oo ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan ka dib kaarka casaanka oo uu ka qaatay Edward Nketiah

Arsenal qeybta koowaad iyaga ayaa maamulay ciyaarta , waxa ayna Leicester City ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah.

Arsenal waxa ay soo bandhigeen kubad deg degsiimo leh waliba si toos ah ayay u bartilmaameysnayeen goosha Leicester City.

Arsenal oo Leicester City nasiinida ugu dirtay hal gool waxa ay sameyn kareen intaas in ka badan haddii uusan ahaan laheyn goolhayaha kooxda kale oo wiilasha Arsenal ka bad baadinayay fursado xaqiiq ahaa waliba cajiib noqon lahaa

Leicester City daqiiqadii 35-aad gool ay dhaliyeen ayaa laga diiday sababo la xariira in uu ka horeeyay qalad ay ku soo galeen ciyaartooy Arsenal ah , waxa uuna goolka Arsenal ahaa mid yimid daqiiqaddii 21-aad waxaan dhaliyay Aubameyang.

Qeybta labaad , Arsenal weerar ahaan waa ay wacnaayeen balse isku day waliba waa laga hor istaagayay xilli Leicester City halistooda ugu badan ay ka imaaneysay Vardy xilli dowr kubad oo gool noqon laheyd uu ka bad baadiyay shabaq ilaaliyaha Gunners .

Arsenal daqiiqadii 67-aad gool ayay dhaliyeen balse Offside ahaan ayaa loo diiday waxaana sidaas sameeyay Lacazette.
Tababre Arteta , waxa uu badalkiisa koowaad sameeyya daqiqiadii 71-aad waxa uuan soo giliyay Edward Nketiah iyo Wollock oo loo badalay Lacazette iyo Bukayo Saka balse nasiib darro Nketiah kuma daahin garoonka waxaana daqiiqaidi 75-aad loo taagay kaarka cas ka dib qalad weyn oo uu sameeyay.

Ka dib dhacdadaas , kooxda Leicester City waxa ay ku dhiiranayeen in shabaqa Arsenal tagaan waxaana arintaas isu xil saaray Vardy xilli tababare Arteta daqiiqadii 80-aad soo uu giliyay Lucas Torreira oo loo badalay Daniel Ceballos

Arsenal waxaa lagu helay gool sida la fiulayay waxaa dhaliuyay Vardy kaasi oo laba xiddig Arsenal ka dhuuntay waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqadii 84-aad , waxaana xusid mudan in kooxda martida halis ahaayeen dhamaadkii ciyaarta waliba u nuglaayeen goolka guusha balse waxa ay ciyaarta ku dhamaatay min halkaas gool.