Man United Oo u Soo Baxday Champions League markay Garaacday Leicester City +SAWIRRO

140

Kooxda Man United ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka dhacay King Power Staduim kana tirsanaa maalintii ugu dambaysay ee horyaalka Premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid cajiib ah oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar lagu raaxaystay iyada oo ayna midna midka kale ka fiicnayn inkasta oo ay Man United halka weerarka kaga fir-fircoonayd kooxda Leicester City.

Man United ayaa heshay fursado cajiib ah oo ay goolal ku dhalin kareen iyaga oo uu Rashford iska khasaariyay fursad cajiib ah sidoo kale xiddiga Martial iska khasaariyay fursad kale.

Kooxda Man United ayaa xitaa qaybtii hore shabaqa soo taabatay ciyaarta laakiin Gool uu dhaliyay Burno Fernandes ayaa laga diiday sabab la xidhiidha Offside.

Leicester City ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro ay ku doonayeen goolal laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay goolal u badalaan fursado yar-yar oo ay heleen.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba sameeyeen fursado fiican laakiin ayna wax gool ah u badalin.

Qaybtii dambe ayay Leicester ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo aad moodo in ay ku dhawyihiin goolka furitaanka.

Dhanka kale Man United ayaa soo laabatay iyaga oo si aad ah uga duwanaa qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen qaab ciyaareedkii hore iyaga oo daafac ku jiray.

Leicester city ayaa samaysay fursado halis galiyay kooxda Man United iyaga oo kaga fiicnaa dhanka weerarka dhigeeda Old Trafford ku ciyaarta.

Xiddigaha leicester city ayaa khaladaad daafac sameeyay dhawr mar oo isku xigta taas oo keentay in ay Man United ka faa’iidaysato arintaas.

Daafacyada Leicester City ayaa khalad ku galay xiddig kooxda Man United ah oo dilinta ganaaxa ku jira kaas oo ahaa da’yarka Mason Greenwood taas oo keentay in rikoodhe loo dhigo Man United.

Daqiiqadii 71-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Man United ciyaartana ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul weyn oo muhiim ah sidaasna ugu soo baxday champions League.