(Akhriso) Magacyada xubnaha DF & G/Banaadir ee shirka Dhuusamareeb

277

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Qodobka 5aad ee War-murtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Liiska Lixda Xubnood ee dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ku matalaya Guddiga Farsamada ee ka baaraan dagaya ayaa waxaa waxaa ku jira La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Doorashooyinka Cabdi Cali Raagge oo horay uga soo shaqeeyay howlaha Guddiyada Farsamo ee Doorashooyinka heer Federaal iyo Dowlad Goboleed.

Hoos ka akhriso xubnaha guddiga farsamada ku metelaya DF iyo gobolka Banaadir