Akhriso 10-ka Xiddig Ee Ugu Mushaharka Badan Adduunka Kubada Cagta

593

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa loo magacaabay xiddiga ugu qanisan kubada cagta isaga oo garaacay xiddiga ay xafiitlamaanee ee Cristiano Ronaldo.

Majalada France Foobtall ayaa soo saartay Liiska 10-kii xiddig ee ugu mushaharka badnaaa sanadkii 2019 ee la soo dhaafay.

Messi ayaa sanadkii 2019 jeebka ku shubtay lacag dhan 120 milyan oo euro isaga oo 11 milyan ka badan xiddiga Ronaldo kaas oo sanadkiisii ugu horeeyay Juventus ku qaatay.

Labada xiddig ayaa ahaa kaliya labada xiddig ee kor u dhaafay lacag 100 milyan oo euro.

Lacagtaas ayaa lagu daray lacagta mushaarka, gunooyinka, xayaysiiysada iyo waxyaabo badan oo kale.

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa kaalinta 3-aad ku jira isaga oo sanadkii hore qaatay lacag dhan 87 milyan oo euro halka uu Gareth Bale ku qaatay lacag dhan 35.45 milyan oo euro.

Bale ayaa lacag aad u yar ka horeeya xiddiga kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann kaas oo todobaadkii qaata lacag dhan 200 kun oo Gini todobaadkii.

Xiddiga Man City ee Raheem Sterling ayaa ku jira kaalinta 5-aad isaga oo qaata sanadkii lacag dhan 30.96 milyan oo euro sanadkii.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa ku jira kaalinta 6-aad isaga oo sanadkii hore qaatay lacag dhan 31.14 milyan oo euro.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa isagu kaalinta 9-aad galay isaga oo qaatay sanadkii lacag dhan 26.56 milyan.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa qaata lacag dhan 24.73 milyan euro waxana uu buuxiyay 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN