Deni oo safar deg deg ah ku aaday Nairobi kadib markii…

1726

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si deg deg ah goor dhaw uga duulay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo ku saabsan doorashada Soomaaliya kula yelan doono qaar kamid ah dalalka Carabta.

Saacado uun markii la soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa si deg deg ah hadda ugu duulay dalka Kenya, isagoo ka dhoofay Muqdisho.

Ujeedada safarka Madaxweyne Deni ayaa ah la kulanka Madaxa Arrimaha Sirdoonka u qaabilsan Imaaraatka Carabta ee Geeska Afrika Xuseen Darwiish Al Shamsi, kaas oo degan hotelka Foru Points, oo ku dhexyaala garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta.

Sarkaalkan ayay Imaaraatku u xilsaareen arrimaha la xariira doorashooyinka Soomaaliya sidii ay ugu guuleysan lahaayeen.

Madaxweyne Deni ayaa safarkiisa Nairobi, sidaas oo kale la kulmi doon qaar kamid ah musharaxiinta ay Imaaraatku maalmihii u dambeeyey doonayeen in ay ku qanciyaan qorshahooda, waxaana kusugan Nairobi qaar kamid ah saaxiibadiisii hore.