Ibraahim Cumar Qaasim oo xilka laga qaaday

1445

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka arimaha guddaha Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cumar Qaasim.

Sida aan wararka ku helnay xil ka qaadista Gudoomiyaha degmada Afgooye ayaa timid kadib markii uu khilaaf soo kala dhax galay isaga iyo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose , taa oo keentay in xilka si deg deg ah looga qaado Ibraahim Qaasim.

Wasiirka arimaha guddaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale wareegtada uu soo saaray ku magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Afgooye oo loo magacaabay Aweys Cabdullahi Cumar.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista