Faransiiska oo Bandow deg deg ah lagu soo rogay

1149

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa xalay ku dhawaaqay in bandow deg deg ah la galiyay guud ahaan dalka Faransiiska, kadib markii uu kordhay faafitaanka cudurka Caronavirus.

Waxa uu sheegay laga bilaabo jimcaha oo beri ku beegan in uu bandowga hirgali doono, waxa uuna xusay in dadka loogu ogolaan doono in guryahooda kasoo baxaan sababo caafimaad iyo mid shaqo owgeed.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inta uu bandowga socdo in ay xirnaan doonaan ganacsiyada aan muhiimka ah , waxa uuna tilmaamay in aan la xiri doonin warshadaha iyo iskuulada dalka.

Bandowgan oo socon doona ilaa dhamaadka bisha November ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ay kordheen dadka uu ku dhacayo cudurka Caronavirius iyo sidoo kale dadka u dhimanaya cudurkan.

Cudurka Caronavirus ayaa si xowli ah wali ugu sii fidaya qaar kamid ah wadamada Yurub, waxaana wadamo kale oo Yurub kuyaala laga cabsi qabaa in mar kale soo rogaan bandow cusub oo dalka la galinayo.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN