Man City Oo 3-0 kaga badisay Olympiacos +SAWIRRO

175

Man City iyaga ayaa qeybta koowaad ku sareeyay maamulka kubadda xilli heer ahaan ay gaareen %60 , waxaana kooxda Olympiacos ahaayeen kuwo halistooda ay yar tahay , waxaana jiray fursado City aysan ka mira dhalin qeybtaas oo ay sii dheer tahay birta oo gool u diiday.

Qeybta labaad , heer ciyaareedka Olympiacos waa uu wacnaa kubadana waa ay la qeybsanayeen Man City xilli isku dayo dhanka gooshana ay sameynayeen .

Olympiacos fursado xaqiiq ahaa ayaa laga bad baadiyay iyaga ayaana u dhawaa in ay gool dhaliyaan , waxaana xusid mudan in heer ciyareedka City uu hoos u dhacay qeybtaas labaad .

City badalkooda ugu horeeyay waxa ay sameeyeen daqiiqadii 69-aad iyadoo ay soo giliyeen Jeus iyo Rodri oo loo saaray Riyad iyo Foden , waxa ayna City ka sheeganeysay in kubadda gaarsiiyaan afka hore ee Olympiacos

Badalada tababare Pep uu sameeyay waxa ku yimid goool uu si qurxoon uu uga shaqeeyay Jesus kaasi oo daqiiqadii 81-aad dhigay shabaqa waxa ayna City ka dib soo giliyeen Joao Cancelo oo loo saaray Walker halka sidoo kale macalin Pep uu fusrad siya xiddiga uu kooxda labaad ka soo dalacay ee Felix Nmecha oo loo saaray Kevin De Bruyne waxa ayna aheyd daqiiqadii 86-aad.