Xukun dil ah ku riddey 2 nin oo qirtay inay gabar ku dileen Boosaaso

1152

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Bari ayaa xukun ku riddey laba eedaysane oo la sheegay in lagu helay inay ka dambeeyeen dil dhowaan magaalada Boosaaso loogu geystey gabar yar oo meydkeeda la soo dhigay xaafadda Raf iyo Raaxo.

Labdaan nine ee lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii AUN Marxuumad Nicimo Cabdi Maxamed oo ahayd gabar 14 sano jir ah ayaa maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Bari waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Xukunkaan ayaa maxkamaddu u cuskatay inay raggaani qirteen kiiskaasi, kadib markii xalay warbaahinta loo soo bandhigay muuqaalka labada nin oo qiranaya kiiskaasi isla markaana ka sheekaynaya qaabkii ay falka u geysteen.

Waa markii 2aad oo gudaha Puntland toogasho lagu xukumo rag kufsi iyo dil ku eedaysan waxaana horay maxkaamaddaha Puntland ay xukun dil ah ugu rideen saddex nin oo lagu helay kiiskii Galkacyo ee marxuumad Caaisha Ilyaas Aadan inkastoo mid kamid ah ehelada gabadhu siidaayeen.