Man United Oo sheegtay Wakhtiga Ay Iska Iibin Doonto Paul Pogba

238

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso Paul Pogba marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan iyaga oo waliba diyaar u ah in ay ku iibiyaan lacag dhan 60 milyan oo euro.

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu ka tagayo Old Trafford horaantii sanadkan, laakiin sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale xumo ee uu sababay xanuunka Korona ayaa ka hor istaagtay in uu ka tago kooxda.

Paul Pogba ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Juventus iyo Real Madrid kuwaas oo ugu dambayn isaga hadhay baacsiga xiddiga reer France.

Heshiiska Paul Pogba ee Man United ayaa dhici doona ilaa xagaaga 2022 laakiin waxa wali lala xidhiidhinayaa in uu isgaa tagayo kooxda kadib qaab ciyaareed xun oo uu soo bandhigay.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay kooxda Man United ugu dambayn go’aamisay in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe marka la gaadho suuqa xagaaga dambe iyaga oo waliba diyaar u yihiin in ay ku iibiyaan xiddiga lacag dhan 60 milyan oo euro.