Guddoomiyaha degmada Hodan oo gaarigiisa laqarxiyay

1159

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay waddada 21-ka October ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay baabuur uu la socday guddoomiyaha, ayada oo ujeedka uu ahaa in lagu dilo, sida aan xogta ku helnay.

Labo ka mid ah askarta ilaalada u aheyd gudoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa. Sidoo kale wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in uu dhaawac yahay gudoomiyaha degmada Hodan, balse ma cadda heerka uu la eg yahay dhaawaca gaaray.

Ciidanka Ammaanka ayaa gaaray goobta, waxaana halkaas weli yaalla gaarigii gudoomiyaha oo goobta ku burburay.