Wasiirka Kalluumeysiga iyo Agaasimahiisa oo feer iskala daalay

1115

Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa shaqada kajoojiyey mid kamid ah golaha wasiirada Puntland iyo agaasimihii guud ee wasaaraddaasi.

Axmed Karaash ayaa shaqoojin rasmi ah ku sameeyey wasiirkii wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Maxamuud Xaaji Saalax iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddan Cabdirisaaq Jaamac Aadan.

Shaqa joojintaan ayaa timid kadib markii labada mas’uul ay maalin kahor ku dhex dagaalameen xarunta wasaaradda, waxaa wajira dhaawac kooban laga gaarsiiyey wasiirka markii ay dhaqaale isku qabsadeen.