Spain Oo Ciqaabtay Jarmalka Iskana Xaadirisay Wareegga Semi Finalka UEFA Nations League+SAWIRRO

125

Qaranka Spain ayaa iska xaadiriyay wareegga semi finalka UEFA Nations League ka dib xasuuq kubadeed oo ay u geysteen dhigooda Jarmalka oo ay uga talaabsadeen lix gool oo nadiif ah .

Guud ahaan ciyaartaan waxaa gacan sareyesay Spain kuwaasi oo banaanka soo dhigay ceebaha daafaca qaranka Jarmalka kuwaasi oo waddo ahaa

Jarmalka waxaa ku adkaa in kubadda cagtooda ku daahdo waxa ayna u nuglaayeen cadaadis joogto oo ka imaanayay ciyaartooyda Spain .

Jarmalka biloowgii waa ay wacnaayeen balse kuma aysan daahin waxa ayna u nuglaayeen goolal dheeraad ah xilli Spain heerka kubad haysashadooda gaareysay 66%.

Jarmalka kulankaan maqane jooge ayay ahaayeen xilli Spain ay ahaayeen kuwo si wacan u fir fircoon waxa ayna saaxibada Ramos ahaayeen kuwo halis ah dhanka weerarka ah .

Lixda gool ee Spain waxaa kala qeybsaday Morata,F.Torres oo sedex ah, Rodri iyoOyarzabal.