Chelsea Oo Garaacday Newcastle+SAWIRRO

105

Kooxda chelsea ayaa guul ay qalmeen ka gaadhay kooxda Newcastle Kulan ka tirsanaa todobaadkii 9-aad ee horyaalka Premier League kana dhacay garoonka St James’ Park.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid ay chelsea ku bilaabatay si dagan iyaga oo maamulayay ciyaarta kubadana u diidayay kooxda Newcastle United si ayna weeraro rogaal celis ah u qaadin.

Chelsea ayaa wakhti hore hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu xiddiga Newcastle ee Federico Fernandez si khaldan gool uga dhaliyay kooxdiisa.

Waxa sidaas hogaanka ciyaarta ugu qabatay kooxda Chelsea kulan ay inta badan maamulayeen ciyaarta waliba ahaayeen kooxda fiican ee ku gacan saraysa kulanka.

Chelsea ayaa sii dheeraysan kartay golasha laakiin xiddiga Timo Werner ayaa iska khasaariyay fursad cajiib ah kadib markii uu daafaca Newcastle ka taabtay kubad uu ku laag islahaa goolka Newcastle.

Blues ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal kale laakiin kooxda Newcastle ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda.

Newcastle ayaa qaybtii hore ku dhibaatootay in ay in badan aado goolka chelsea iyaga oo mar-mar iyo dhif gaadhayay goolka chelsea hortiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay chelsea hogaaminaysay natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba waliba dhalin kareen goolal ka badan inta ay heleen.

Qaybta dambe:

Kooxda Newcastle oo isa soo canaanatay Nasashadii ayaa ku bilaabatay qaybta hore si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha.

Waxa aynu odhan karnaa xitaa Newcastle ayaa ka fiicnayd chelsea marka loo bar-bar dhigo qaybtii hore iyaga oo in badan hor tagay goolka Blues laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka kubada.

Mar kale ayuu Timo Werner Kooxdiisa ka khasaariyay fursad waali ah oo uu u khaldamay daafac kooxda Newcastle ah waxana ciyaartu sii ahayd 1/0.

Kooxda Newcastle ayaa mar kale ku dhawaatay in ay chelsea ka dhaliso gool laakiin waxa iska difaacay kooxda chelsea kuwaas oo qaaday weerar rogaal celis ah.

Daqiiqadii 65-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 2-aad kadib weerar rogaal celis ah oo ay qaadeen iyaga oo uu u dhaliyay goolka xiddiga Tammy Abraham kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga Timo Werner ayaa sii waday in uuna gool dhalin kulankan kadib markii laga diiday gool uu dhaliyay sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga Tammy Abraham.

Daqiiqadii 74-aad ayay Chelsea dhalisay gool kale kadib markii uu Timo Werner si qurux badan goolhayaha ugu jaray kubadana shabaqa dhex-dhigay.

Laakiin goolkaas ayaa laga diiday Chelsea maadama uu kubada markii loo dhiibayay uu Tammy Abraham Offside ku jiray waxana ay ciyaartu sii ahayd 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea sidaas ku gaadhay guul ay u qalmeen hogaanka horyaalkana sidaas kula wareegeen inkasta oo ay ku meel gaadh tahay.