Tottenham Oo Guul Xararaarad Leh Ka Gaartay Man City +SAWIRRO

96

Tottenham ayaa guul qaali ah ka gaartay kooxda Man City , waxa uuna ka tirsanaa wareegga 10-aad ee horyaalka Ingiriiska .

City inkastoo maamulka kubadda ay ku badnaayeen hadana waxaa lagu dilay kubadaha rogaal celiska ee uu ku yimid goolka labaad , waxa ayna City ka sheegteen kulankaas dhameystir la`aan iyo in aysan si sax ah uga faa`ideysan kubadaha ay gaarsiinayeen afka hore ee goosha Tottenham

Tottenham waxa ay ciyaareen kubad daafac ahaan aad u wacan oo ay sii dheer tahay in ay deganaayeen halka Man City ay ka sheeganayeen in ay go`aanada u qaadanayeen qaab deg deg ah.

Goolka koowaad ee Tottenham ee Son waxa uu dhashay daqiiqadii 5-aad ka dib qalad weyn ee ay sameeyeen daafaca City kuwaasi oo si ka bad badis ah afka hore u aaday , waxaana labada koox laga diiday laba gool oo ay dhaliyeen oo VAR ayaa go`aamisay

Goolka labaad ee City waxaa qaladka weyn la saarayaa goolhayaha oo isna banaanka u soo baxay waxaana City dhamaadkii ka maqnaa xamasadda

Tottenham kulankaan aad ayay dhan waliba uga dhameystiranaayeen waa ayan garanayeen goorta ay difaaca galayaan iyo waqtiga ay soo soo weerra tagayaan waana mudnaayeen guushaas .