DAAWO: Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii saaka ee Beledweyne

347

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka magaalada Beledweyne ku dhexmaray malayshiyaad daacad u ah Janeraal Abuukar Xuud, kuwaas oo diidan dhismaha Hir-Shabeellle iyo in uu Magaalada Beledweyne tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Janeraal Xuud oo ka yimid dhinaca degaanka Ceel-gaal ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo aga-gaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, kadib markii ay ka warheleen in Maanta uu Beledweyne ku wajahan yahay Madaxweynaha Hir-shabeelle.

Waxaa la xaqiijiyey dagaalka ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan inay ku dhaawacmeen laba ruux oo mid kamid ah uu yahay dhinacyadii dagaalamay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay y Isbitaalka Magaalada Beledweyne.

Saraakiisha hoggaamaaninaysa malayshiyaadka taabacsan Janeraal Xuud ayaa waxaa ay sheegeen inay qabsadeen Xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne, isla markaana ay dagaalami doonaan intii uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle imaan lahaa Beledweyne.