DAAWO:-Dibad-baxy looga horjeedo Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho +SAWIRRO

1038

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dibad-baxyadan oo ay ka qeyb-galeen dadweyne u badan dhalinyaro ayaa saaka ka billowday xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dadweynahan ayaa ku qeylinayey erayo ay ka mid yihiin ‘ha dhoco madaweyne Farmaajo’ waa Kali-taliye iyo erayo kale oo ay ku cabiraan dareenkooda.

Xaaladda ayaa aad u kacsaneyd, iyada oo dibad-baxayaasha ay taayaro ku gubeen qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah.

Sidoo kale wararka dibad-baxayaasha oo loo adeegsaday rasaas, ayaa markii dambe lala eryey, kadib goobahaasi ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Rasaasta ayaa lagu soo warramayaa inay geysatay khasaare u badan dhaawacyo, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale waxaa waddooyinka qaar lagu soo daadiyey ciidamo dheeraad ah oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxyadaan oo ahaa kuwa horey loo sii qorsheeyey.

Ciidamada oo intooda badan ku sugan Waddada Maka Al-Mukarrama ayaa hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, iyada oo ay dadku isticmaalayaan cagahooda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayey doorashooyinka dalka.