DAAWO:-Rooble oo safar dhulka ah ku tagay Caabudwaaq+SAWIRRO

1222

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayay oo isugu jira xubnaha labada Gole ee Dawladda Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Degmada Caabudwaaq.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu kulamo kula qaato Muddada uu joogo Caabudwaaq Mas’uuliyiinta Galmudug, Ugaaska iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaas.

Rooble ayaa socdaalkiisa maanta ee Caabudwaaq waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qaariye (Qoorqoor) Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xubno ka mid ah labada Gole ee Dawlad Goboleedka Galmudug.