Man City Oo Bar-bar Dhac Kala Kulantay West Browmich +SAWIRRO

1083

Ka dib ciyaar laheyd , Man City iyo West Browmich ayaa ku hishiiyay bar bar dhac min hal gool ah xilli City qalad ka dhacay looga dhaliyay goolka bar bar dhaca

Ciyaar adag ayay aheyd , City dhan waliba ayay kubadda u jeedeen oo boosaska isu bad badaleen , waxa ayna nasiinada ku aadeen bar bar dhac min hal gool ah , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 13-aad ee horyaalka Ingiriiska

City iyaga ayaa ku horeeyay goolka daqiiqaddii 30-aad waxaa saxiixay Guendogan balse ka hor goolkaas , waxa ay labada koox soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh inkastoo City kubadda badnaayeen waxaana kooxda West Browmich gool u diidayay goolhayaha City

City , maamulka kubadda iyaga ayaa lahaa balse meel ay marsiiyaan ayay waayeen oo daafaca ka soo horjeeda waxa uu ahaa mid isku xeran waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah illaa ay City ku qasbeen in gool ay si qaldan isaga dhaliyaan waxaana sidaas daqiiqaddii 40-aad sameeyay Diaz .

Soo laabashadii , City si waliba ayay u wareereen kooxda martida fursadana waa ay qasaarinayeen xilli goolhayahana uu hor istaagay xilli West Browmich kaliya maciin bidayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Daafaca kooxda martida waxaa mooday in ay ka tira badan yihiin City marka la eego sida ay isugu xernaayeen waxaana kooxda Pep ka maqnaa xalka si walba oo ay kubadda u maamuleen

Pep , si uu xal u helo waxa uu daqiiqadi 75-aad soo giliyeen Walker iyo Aguero oo loo saaray Mendy Foden , waxaana xusid mudan in City kulankaan ay mudnaayeen in ay helaan goolal dheeraad ah marka la eego hanaankii ay ku soo muuqdeen .

Si waliba oo ay City u dadaaleen , City waxaa gool cajiib noqon lahaa waxaa u diiday goolhayaha kaasi oo arintaas sameeyay waqtigii geeri.