Kylian Mbappe Oo loogu hanjabay in wadada lagu dili doono

201

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa Hanjabaad kulul ka helay xiddiga daafaca kooxda Barcelona ee Jordi Alba kaas oo ugu hanjabay in uu ku dili doono wadada intii uu socday kulankii champions League ee Salaasadii.

Mbappe ayaa xaday indhaha adduunka isaga oo saddexley ka dhaliyay kooxda Barcelona xilli ay kooxda reer France hal lug la gashay wareega 8 dhamaadka.

Laakiin waxa uu dagaal hoose dhex maray xiddiga reer France iyo xiddiga kooxda Barcelona ee Jordi Alba iyada oo uu Gerard Pique soo kala dhex galay.

Hadalka dhexmaray labada xiddig ayuu qabtay kamerooyinku maadama ayna wax taageerayaal ah joogin oo la maqlayay waxa ay xiddigugu leeyihiin.

Mbappe ayaa markii hore xiddiga Barcelona ee Sergino Dest u sheegay in uu joojiyo taabadasada qaybtii hore marka la tuurayo kubadaha kooranaha ah Alaba ayaana soo dhex galay.

Alaba ayaana Mbappe ugu jawaabay”Waxa aan kugu dili doonaa Wadada”.

Kadib Pique ayaa soo dhex galay isaga oo qabtay Alba una sheegay “Ayaad wadada ku dilaysaa”.

kadib Alba ayaa ku jawaabay”Wax ayuu baranayaa, wax ayuu baranayaa”.