Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Saldhiga degmada Xamar-weyne

217

Qarax xoogan oo ismiidaamin ah ayaa goor dhoweyd oo barqadii ah ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan magaalada.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay inta u dhexeysa saldhiga Booliska Afar-irdood iyo Dhismaha Suuqa Muqdisho Mall ee degmada Xamar-weyne.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qof xirnaa waxyaabaha qarxa uu halkaas isku qarxiyey xili ay ceyrsanayeen ciidamada amaanka oo soo daba galay markii ay ka shakiyeen.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in ninkaas uu iska furay ka dibna tuuray jaakadii qaraxday intii ay ceyrsanayeen ciidamada Booliska.

“Wax yar ka hor abaare 11:25 AM, ayey Ciidanka Booliisku ka war heleen, qof isku soo xiray walxaha Qarxa, si isugu miidaamiyo Ummadda, Ciidanka ayaa ka hor tagay oo fashiliyay” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Lama oga illaa hadda halka uu ahaa bartilmaameedka rasmiga ah ee qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana xusid mudan in goobta uu ninkan isqarxinayey ay aheyd meel suuq ah oo aad saxmad badan xiliga maalintii, gaadiidka ambalaaska ayaana halkaas gaaray si ay u caawiyaan dadka dhaawaca ah.